U bood dhigaalka

Abwaan Cali Sugulle oo Lagu aasay Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargaysa.

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee, abwaan Cali Sugulle Cigaal oo can ku ahaa (Dun-carbeed) oo labo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed.

Diyaaradii siday meydka abwaanka ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo aaskiisa ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha maamulka Somaliland, siyaasiyiin, abwaano iyo qeybaha bulshada.

Qaar kamid ah hoballada fanka ayaa ka qeyb galay aaska marxuumka sida hoballadii waaberi Axmed Naaji Sacad, madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo bahda fanka u badan.

Goobjoog News