U bood dhigaalka

Abwaan Hadraawi oo Ka Warramay Xaaladdiisa Caafimaad

Sheeko:Dalka

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Soomaalida dhexdooda magac weyn ku leh  ayaa ka warramay xaaladiisa caafimaad oo todobaadyadii ugu dambeeyey si weyn loo hadal hayay in caafimaadkiisu aad u liito oo laga dayrinayo.

Abwaan Hadraawi oo ku nool magaalada Burco ayaa mar uu ka sheekaynayey xaaladiisa waxa uu xusay in xanuun uu hayo balse aanu ahayn xanuunkaasi mid uu la jiifsaday oo la il daran yahay, waxaanu yiri Abwaanku; ”  Waa bukaa balse ma ihi bukaan jiif  qofku inuu xanuusado waxay ka mid tahay nolosha iyada oo noqon karta uun labo inuu geeriyoodo qofkaasi iyo inuu  ka bogsado “.

Abwaan Hadraawi oo  la weydiiyey in uun maqlay wararka laga faafiyey  xaaladiisa caafimaad waxa uu yiri, “ Alle ayaa Soomaalida i jeclaysiiyey  waxaan odhan karaa waxay waxaasi oo dhan u sheegayaan waa jacayl la ii qabo oo qof kastaaba isleeyahay ka kale uga warran adigu“ , Ayuu yiri Hadraawi.

Abwaan Hadraawi  oo Burco inta badan ku noolaa mudadii  20-kii sanno ee ugu dambeeyey ayaa wali waxa uu qayb ka qaataa nolosha bulshada iyo wacyi-gelintooda isaga oo ka qayb gala  barnaamijyada iyo xusaska muhiimka u ah bulshada , waxaana sidoo kale ku booqda gurigiisa dad dhallinyaro u badan kuwaasi oo waanooyin iyo waayo-aragnimadiisa uu uga warramo.

Abwaan Hadraawi ayaa safka hore kaga jira Abwaanada Soomaalida suugaantoodu  nolosha dadka la falgasha  ilaa bahda hal-abuurku u bixisay magaca Boqorka hal-qabsiga .

Goobjoog News