U bood dhigaalka

Addis Ababa: IGAD Oo Shir Aan Caadi Aheyn Isugu Imaaneya

Sheeko:Dalka

Dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in shir aan caadi aheyn isugu yimaadaan magaalada Adis Ababa 12-ka June, 2017-ka, iyada oo xoogga lagu saari doono dhibaatada ka jirta dalka Koonfurta Suudaan.

Shirkan oo noqonaya midkii 31-aad waxaa isugu yeeray madaxda IGAD, madaxweynaha golahaasi ahna ra’isul wasaaraha Itoobiya  Hailemariam Desalegn si looga hadlo dhibaatada amni iyo mid banii’aadamnimo ee ka jirta dalka Koonfurta Suudaan.

Dalalka dariska la ah Koonfurta Suudaan waxaa ay ka sheeganayaan qul-qulka qaxootiga iyo in xaaladda amniga ee dalkaasi ka jirta ay uga dartay xaaladda banii’aadamnimo.

IGAD waxaa ay u soo jeedisay kooxaha ku dagaalamaya Koonfurta Suudaan in ay joojiyaan dagaallada, fursadna siiyaan nabadda.

Goobjoog News