U bood dhigaalka

Adis Ababa Oo Safiir U Magacowday Asmara

Sheeko:Caalamka

Itoobiya ayaa Safiir u magacowday dalka Eritrea ka dib muddo 20 sano ah waxayna arrintaani Muujineysaa Caalamad ah in labada dal ay isku soo dhowaanayaan ka dib dagaal xaduudeed oo dhex maray sida ay sheegtay wakaaladda Fana ee raacsan dowladda Maanta oo khamiis ah.

War ay ku baahisay Fana Intertka ayaa lagu sheegay in Redwan Hussien oo horay u ahaa Safiirkii itoobiya u fadhiyay Ireland loo magacaabay Safiirka Adis Ababa u fadhiya Asmara.

Tan iyo Markii la saxiixay heshiiskii Asmara 9 July waxaa ay u dhaqaaqeen hoggaamiyayaasha Itoobiya Eritrea in ay meesha ka saaraan cadaawadda qaadatay 20 sano tan iyo markii loolanka uu ka dilaacay labada deris sanadkii 1998-dii kuwaasi oo dhaca geeska Afrika

Ra’iisulwasaaraha Abiy Axmed ayaa bishii April ku dhawaaqay in uu fulinayo heshiika nabadda ee lagu dhameynayo colaadda u dhaxeysay labada dhinac.

Arbacadii ayay aheyd markii diyaaraddii ugu horreysay oo ka baxday Adis Ababa ay cago dhigat garoonka Asmara waxaana lagu soo dhoweeyay ubaxyo iyo Calamo ka dib 20 sano oo uu xirnaa socdaalka labada dal.

Goobjoog News