U bood dhigaalka

Adis Ababa Oo Sheegtay Inay Qalbi-dhagax Ku Sii-deysay Dalabka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa ayaa sheegay in sii-deynta Cabdirkariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ay ku timid codsi ka yimid dowladda Soomaaliya Itoobiyana ay xabsiga ka sii deysay 27 bishaan iyada oo tixgalineyso codsiga.

Jamaaludiin Mustafa mar uu arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “Waxaan caddeynayaa una soo tabinayaa cid walba oo daneyneysa in muwaadinka la yiraahdo Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanadkii hore halkaan laga qabtay in laga sii daayay xabsiga 27-kii bishii Lixaad 2018-ka waa labo bari ka hor siideyntaas oo timid ka dib si isdaba joog ah codsi ka yimid dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed ayna ku dooneysay in muwaadinkaas lagu sii daayo taas iyada oo tixgalineyso dowladda Itoobiya xabsiga ayay ka sii deysay “.

Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa sanadkii hore laga qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaana la keenay Muqdisho Bishii sideedaad ee isla sanadkii 2017-dii, kadibna Sirdoonka Soomaaliya waxay u dhiibeen dowladda itoobiya.

Goobjoog News