U bood dhigaalka

Admiral Faarax Qare: 300 Milyan Oo Doolar Kalluun Ku Kacaya Ayaa Sanad Walbo Laga Qaataa Badaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Admiral  Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) Agaasiamah hay’adda Cilmi barista Badaha Soomaliyeed ayaa soo dhoweeyay dadaalka Puntland ay u gashay illaalinta kheyraadka badda gaar ahaan xeebaha Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay in uu soo dhoweeynayo dadaallada lagu soo qabtay kalluumeysato Yeman u dhashay oo iyaga iyo Doomahooda todbaadkaan ciidamada Badda Puntland ay kusoo qabteen howlgallo ay ka fuliyeen badda Gobolka Bari.

Dhanka kale Admiralka ayaa sheegay  in Sanad walba 300 milyan oo dollar kaluun ku kacaya Badaha Soomaaliya laga qaato kuwaa oo suuqyada Adduunka lagu iibsado

Faarax qare ayaa talo kusoo jeediyay in la hubeeyo kaluumeeysatada Soomaaliyeed , tababarna la siiyo si ay ugu guuleeystaan xaqiijinta ammaanka biyaha Soomaaliya.

Ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Kalluumeysato u dhalatay dalka Yemen kuwaasi oo la sheegay inay kusoo xad-gudbeen biyaha Soomaaliya.

Goobjoog News