U bood dhigaalka

Admiral Faarax Qare “Anaga Ayaa Ku Guuleysan Doonna Dacwadda Badda Ee Nagala Dhaxeysa Kenya”

Sheeko:Dalka

Agaasimaha Hay’adda Badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto dacwadda Badda ah ee nagala dhaxeysa dowladda Kenya.

Waxa uu sheegay in sanadka markii uu ahaa 2000 ay dowladda Kenya gudbisay xuduud badeedkeeda oo ahaa kii saxda ah, balse markii ay maqashay in badda Soomaaliya laga helay Shidaal ay sanadkii 2005-ta ay gudbisay warqad kale oo ay ku sheegayso xuduud badeedka, iyada oo gudaha usoo gashay Soomaaliya.

Faarax Qare ayaa ku qiyaasay dhul badeedka ay dowladda Kenya sheegayso mid la eg Gobalada Jubooyinka iyo Gedo, taasi oo uu tilmaamay in marnaba aysan ka seexan doonin.

“Warqad hore oo 2000 gudbiyeen waxa ay ku cadeeyeen xuduud badeedka saxda ah, laakiinse markii shidaal laga sheegay dhulkeena badda ah ayeey 2005 warqad kale oo ay tii hore ku leexinayso keentay, dhibkana dowladda deriskeena ah ee Kenya ayuu ka jiraa, midna ogow waad ku qasban tahay hadii uu kaa maqan yahay dhudhun dhulkaaga ka mid ah, waxaana ku qiyaasi karaa dhulka hadda ay sheeganayso Kenya waa Jubbaland dhulka uu maamulo oo kale” ayuu yiri Faarax Qare.

Ugu dambeyn Admiral Faarax Qare ayaa ayaa sheegay in uu iska cad yahay dhul badeedka Soomaaliya, cid walbana ay ogtahay inta uu yahay, sidaa darteedna dacwadda aysan sii dheeraan doonin oo Soomaaliya dhulkeeda ku guuleysan doonto waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maxkamadda ICJ ayaa qaadi doonta dacwadda la xiriirta dhanka Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana 13-ka bishaan oo ku beegan Berri ay dowladda Soomaaliya gudbin doontaa dacwadda arintaasi la xiriirta.

Goobjoog News