U bood dhigaalka

Admiral Faarax Qare: Ma yeeleyno in la dhaco badda Soomaaliya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

faarax qare 12copy

Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in xeebaha Soomaaliya ay ka sii socdaan xaalufinta maraakiibta shisheeye ay ku hayaan khayraadka dalka.

Agaasimaha hay’adaasi Admiraal Faarax Qare ayaa tilmaamay in laga war hayo maraakiibtaasi isla markaana ay ku dadaali doonaan in wax badan laga qabto.

Caqabado aan yarayn ayuu xusay Faarax Qare in ay ka jiraan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo saamayn ku yeeshay kalluumaysatada Soomaaliyeed.Waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ka war qabaan wadamada ku lugta leh xaalufinta kheyraadka badda dalka waxa uuna sheegay in ay wadaan dadaallo ay uga hor tagayaan arimahaas.

Waxa uu sidoo kale cod dheer ku sheegay in wax la qaadan karo aysan ahayn in la dhaco badda Soomaaliyeed.

Maraakiibta shisheeye ayaa si sharci darro ah uga jilaabta xeebaha dalka iyaga oo sidoo kale lagu eedeeyo in ay qashinka warshadaha ay ku shubaan.

Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika, balse shacabka Soomaaliyeed ayaanan uga faa’ideysan sidii loo baahnaa.

Hoos ka dhageyso codka Admiraal Faarax Qare: