U bood dhigaalka

Admiral Faarax Qare Oo Ka Hadlay Mowjadahay Xilligaan Kacsan Ee Xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Hay’adda Badaha iyo Cilmi baarista Soomaaliyeed Admiral Faarax Khare ayaa sheegay in aan loo fasiran karin Mowjadaha biyaha badda iyo dabaylaha jira in sunaami uu yahay.

Waxa uu sheegay in isbadalka cimiladda ay tahay oo qura balse aanay ahayn sida uu yiri sunaami ama in halis ay hadda kasoo socoto badda.

Waxa uu sheegay inay suuragal tahay in biyaha baddu ay soo galaan laamiga si lamid ah Magaaladda Kismaayo waxaana uu sheegay in taasi ay keentay dhagxaantii biyaha celinayay oo la burburiyay qaarkood iyo sidoo kale dhulkii oo la sinmay Badda.

Faarax Qare ayaan weydiinnay waxa hadda loo fasiran karo mowjadihii xooganaa ee shalay ka kacay xeebta Muqdisho, waxaana taasi uu ku micneeyay inay tahay xilliga bad xiranka oo billaabanaya.

“Qatar hadda inooma muuqato ama sunaami ee waxaa la gaaray xilligii bad xiranka, marka dadka aan badaha aqoonta u lahayn markii ay arkaan mowjadahaasi waxay dareemaan cabsi xooggan” ayuu yiri Admiral Faarax Qare.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Admiraalka dowladda Federaalka Soomaaliya in ay darbiyo ku dhisto meelihii dhagxaanta laga qoday sida Xalane iyo waqooyiga xeebta Liido, sababtuna waxa uu ku sheegay in ay dhici karto badda in magaalada ay biyo kusoo shubto.

Shalay ayaa mowjado xooggani waxay ka kaceen xeebta Liido, waxaana dad badan ay taasi u fasirteen in qatar ay dhanka badda kasoo socoto.

Goobjoog News