U bood dhigaalka

Admiral Khaliif Idiris Cismaan Oo Ka Hadlay Xadgudubka Kenya ee Badda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegatay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, taasi oo keentay in dowladda Federaalka ay dacwad arintaasi ku aadan u gudbiso maxkamadda ICJ.

Admiral Khaliif Idiris Cismaan oo ah qabiir dhanka badaha, kuna sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa sheegay in marnaba aanay wax gor gortan ah lahayn badda Soomaaliyeed, lana og yahay xuduuda Labada Dal.

Waxa uu sheegay in sohdinta badda ay cadahay, islamarkaana ay leedahay calaamado cad cad sidaa darteedna hadii ay cadaalad jirto aanay taako biyaha Soomaaliya qaadan karin Kenya.

Dhinaca kale Admiral Khaliif ayaa dhaliilay qaabka dowladda Federaalka ay u gudbisay dacwadda ka dhanka ah Kenya, isaga oo tilmaamay in wax walba oo ku aadan xuduudda badda Soomaaliya ay gacanta ku hayso Qaramaya Midoobay, waxaana uu sheegay in maxkamadaan ay noqon doonto mid Kenya ay ku keensato codsi so cel celin xilli walbo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 13-kii bishan waxa ay maxkamadda ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, taasi oo ku aadan ku xad gudubka Badda Soomaaliya.

Goobjoog News