U bood dhigaalka

Admiral Khaliif: Umadda Soomaaliyeed haka dhiidhiyaan xad gudubta Kenya ee badda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Admiral Khaliif Idiris Cismaan oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si sharci darro ah ku boobayso badda Soomaaliya.

Khaliif Idiris ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay muujiyaan wadaniyad iyo dhul jacel iyadoo laga dagaalamayo in xuduudaha Soomaaliya ay si qalad ah ugu xad gudbaan dowladaha dariska ah.

Dhinaca kale, Admiral Khaliif Idiris Cismaan ayaa ka hadlay maamul u sameynta gobolka Hiiraan waxa uuna tilmaamay in nidaamka Federaalku yahay gumeysi dadban.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya ay ka soo kabanayso bur-bur isla markaana ay muhiim tahay in laga fogaado wax walba oo ay ku kala fogaanayaan umadda Soomaalida ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal dacad ah u gudbisay maxkamada cadaalada caalamiga ee ICJ taas oo ay ku eedeysay Kenya in ay ku soo xad gudbeyso badda Soomaaliya.