U bood dhigaalka

Adobe Flash Player oo Suuqa Ka Baxay

Waxaa laga yaabaa in Sanado badan dadka caado ka dhigteen in ay markii ay wax daawanayaan la soo dagaan Adobe Flash Player, Lakin maanta laga bilaabo adeegaas waa laga talo baxay.

Adobe Flash oo ahaa adeeg horay u soo jiray, isla markaana lagu daawan jiray Muuqaallada ayaa haatan noqday mid la naco.

Adeegan waxaa lahaa Shirkadda Google, waxaa uu ahaa Softwere inta badan lala kaashto arimaha daawashada Muuqaalada, lakin wixii bishan ka dambeeyay Google, Softweerkaas waa ka talo baxday isagoo noqday Taariikh.

Google, waxaa ay markii hore Xayeysiin jirtay Softweerkan si dadka ula dagaal isagoo qaab flash ah, dadka waxaa ay ku qasbanaayeen in Flash-kaas la soo dagaan si Filimada iyo Muuqaalada u daawadaan lakin hadda Google waxaa ay dadka u fasaxday in Youtube iyo Muqaalada oo dhan daawadaan Flasha Player la’aan taas oo meesha ka saari doonta dalankii Adobe Flash.

Hadda qof kasta oo isticmaala Chrome-ka waxaa uu si automatic ah u isticmaali karaa Adeegyada Muuqaalka.

Tilaabadan ay google qaaday waxaa soo dhaweeyay dadka isticmaala Muuqaalada gaar ahaan Youtube-ka, kuwaas oo inta badan u baahnaa Adeegaas meesha laga saaray.

Lama oga nin Google u diyaarineyso dadka adeeg kale mise in ay ugu talo-gashay in dadka ay u sahasho.