U bood dhigaalka

Af-Soomaaliga Oo Lagu Daray Luqadaha Looga Hadlo Gobalka Minnesota

Sheeko:Amniga

Afka Soomaaliga ah ayaa si rasmi ah loogu daray afafka looga hadlo gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, kadib markii ay halkaasi ay ku soo bateen dadka Soomaalida.

Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ayaa Soomaalida ku dhaqan waxa ay ka mid noqdeen dadka ugu tirada badan ee dagan halkaas.

Dadka Soomaalida ah ayaa la sheegay in ay yihiin dadka Seddaxaad ee ugu badan ee dega magaalada Minneapolis.

Luqadda Soomaaliga ayaa laga dhigi doona dhamaan Iskuulada dowladda Hoose ee Minnesota, isagoo si rasmi ah uga mid noqday Luqadaha gobalkaasi ka diiwaan gishan.

Soomaali badan oo  ku dhaqan gobalka Minnesota ayaa xilal kala duwan ka haaya dowladda Hoose ee gobalka, waxa ayna ka mid yihiin dadka ugu sameynta badan dadyowga halkaas dagan.

Goobjoog News