U bood dhigaalka

Afar Carruur Ah Oo Shuban Ugu Geeriyootay Tuulada Likooley Oo Ka tirsan Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo

Sheeko:Caafimaadka

 

Afar carruur ah ayaa la sheegay inay cudurka shubanka ugu geeriyoodeen tuulada Likooley oo 80 KM dhanka bari ka xigta degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Cabdi Xuseen oo Ah Madaxa Caafimaadka Tuulada Likooley ayaa Warbaahinta Goobjoog FM u sheegay in Toddobaadkii la soo dhaafay afar carruur ah oo da’adoodu ka yartay 5 sano ay u geeriyoodeen cudurka shubanka ayna jiraan 15 kale oo la jiifa.

Wuxuu sheegay in Tuulada Likooley aysan lahayn xarun iyo adeeg caafimaad toona marka laga reebo hal farmashi oo gaar loo leeyahay, carruurta ayaa laba ka mid ah waxay ku geeriyoodeen gudaha tuulada Likooley, halka labada kalena ay ku dhinteen baadiyaha u dhow Tuulada sida uu sheegay Cabdi Xuseen.

Cabdi Xuseen ayaa waxaa uu intaasi  ku daray in dhibaatooyinka caafimaad daro waxaa hadda sababay ay tahay nadaafad darro ka jirta deegaanka maadaama uu da’ay roob, biyaha ay isticmaalaan dadku oo aan nadiif ahayn iyo adeegga dawooyinka iyo xarumaha caafimaadka oo aan ka jirin deegaannada badankooda.

Sidoo kale Aamino Axmed waa hooyo degan Tuulada Likooley waxay walaac xoogan ay ka muujisey dhibaatooyinka caafimaad daro ee ka taagan Tuulada Likooley iyo dhulka miyiga ah ee u dhow,waxayna sheegtay maalmahii ugu dambeeyey ilaa afar caruur ah oo da,doodu ay ka yartahay shan sanno in ay u dhinteen Cudurka shubanka,halka tiro kalena ay liitaan.

“wax daawo ah ma lahan tuuladu ,halka noogu dhow Daawana waa magaalooyinka Garbahaarey oo u jirta Tuulada ilaa 90km, iyo Ceelwaaq oo noo jirta 80 km, dhibaatooyin kale oo waxaa jira haweenka ay qabaan sida dhiig baxa,bishii aan soo dhaafney 4 ilaa 5 dumar ah ayaa u geeriyoodey Umul raac iyo dhiig bax tuulada Likooley iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan ,waxaana Codsaneynaa in Tuulada lala soo gaaro gurmad Caafimad sidaasi waxaa tiri  Aamino Axmed.

Goobjoog FM Baardheere