U bood dhigaalka

Afar Caruur Walaalo Ah Oo u Geeriyootay Sun La Mariyay Jirkooda, Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Carafaat degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku geeriyoodeen Afar caruur oo walaalo ah, ka dib sun la mariyay jirkooda.

Mid ka mid ah waalidiinta dhalay caruurtaan ayaa la xaqiijiyay in suntan loo yaqaano Dhibta ee la mariyo xoolaha uu caruurtaasi oo shan ahayd u mariyay, balse saaka lasoo toosay Afar caruur ah oo geeriyootay, halka midka kalena xaaladiisu ay aad u daran tahay, loolana carary Isbitaal.

Caruurtaan ayaa la sheegay in maalmahani dambe jirkooda uu kasoo baxay Nabarro, kuwaasi oo la sheegay in ay lahaayeen cun cun, balse waalidkii dhalay caruurta u arkeen in lagu daweyn karo suntaasi oo jirka loo mariyo caruurtooda.

Dadka ku dhaqan xaafadda Carafaat ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay dhacdadan, iyadoo xaafaddaasi arrinkaan aad looga hadal hayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News