U bood dhigaalka

Afar Dugsi sare oo maanta ku tartamay Tartan Aqooneedka Kedis ee Goobjoog Fm (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Kedis17Tartanka Kedis ee ay iska kaashanayaan Idaacadaha Goobjoog Iyo Maandeeq ayaa Maanta waxa ku tartamay Afar Dugsi sare ee Gobolka Banaadir

Dugsiyada Maanta is arkay ayaa kala ahaa Globol Dharkanlay, Al Qalam, Xamar Jajab, Iyo Iftin Boarding.

Wareegan ayaa ah kii sadaxaad, ee ay ku kulmaan Dugsiyada sare ee Gobolka Banaadir, waxana tabintiisa iska leh Goobjoog iyo Maandeeq , halka maalgalintiisa ay leedahay Jaamacada City ee Muqdisho.

Tartanka Maanta wajigiisii hore waxa kulmay Dugsiyada kala ah , Globol Dharkanlay iyo Al Qalam, Waxaana Guusha ay raacday Iskuulka Al-qalam oo usoo gudbay Wareega Labaad ee Tartanka.

Wareegii labaad ee Tartanka waxa isku arkay labada dugsi ee kala ah Xamar Jajab iyo Iftin Boarding, waxa ay guusha raacday Dugsiga Xamar Jajab oo usoo gudbay Wareega Labaad ee Tartanka

Halkaan ka dhageyso Natiijada iyo sida loo tar tamay.

Goobjoog News