U bood dhigaalka

Afar Dumar ah oo Rakaab ahaa oo Lagu Kufsaday Hiiraan

Sheeko:Dalka

BaladweyneWararka naga soo gaaraya Hiiraan waxa ay sheegayaan in meel magaalada Baladweyne u jirta 90km dhanka Galbeed oo lagu magacaabo Buqa Qable in lagu kufsaday afar dumar ah oo rakaab ahaa, kuwaasi oo lagala dagay gaarigii ay saarnaayeen, islamarkaasina la dhaawacay darawalkii gaariga.

Guddoomiyaha Baladweyne Maxamed Cusmaan iyo Taliyaha Saldhigga Baladweyne Cali Dhuux oo Goobjoog ay wax ka weeydiisey falka kufsiga ee dhacay ayaa sheegey in markii ay warka maqleen ay u birmadeen meeshii falka ka dhacay, balse ay soo waayeen wax dad ah oo hubeysan.

Waxa ay intaasi ku dareen in aysan jirin cid saldhiga timid oo keentey dacwad la xiriirta kufsi.

Bil ka hor isla deegaankani waxaa ka dhacay fal kan oo kale ah oo lagu kufsaday 3 dumar ah oo iyaguna rakaab ahaa.

Dumarkii la sheegey in la kufsaday oo ay la kulmeen wariyeyaasha Goobjoog ee Baladweyne ayaa diidey in ay saxaafadda u sheegaan wixii ku dhacay, balse qirtey in ay dhibaato gaartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey sharci oga soo saartay kufsiga kaasi oo ciqaabtiisa laga dhigey dil toogasho ah, iyada oo dhawaan bishan dhexdeeda nin kufsi geystey lagu xukumey xukun dil ah.

Dhageyso

Goobjoog News