U bood dhigaalka

Afar Iskuul oo maanta ku baratamay tartan aqooneedka Kedis ee Goobjoog Fm (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Tartanka aqooneedka Kedis oo ay iska kaashanayaan Idaacadaha Goobjoog iyo Maandeeq, ayna taaba gelinayso Jaamacdda City ayaa maanta waxaa ku tartamay Afar Dugsi.

Dugsiyadaan ayaa kala ahaa, Al-anwaar, Al-nashaat oo tartamay qeybta 1-aad, halka qeybta Labaad ay tartameen Iskuulada kala ah Dharkeenleey iyo Al-shacab.

Waxaa wareega Labaad nasiib u yeeshay in ay usoo baxaan Iskuulada kala ah Al-anwaar oo helay 14-Dhibcood, ka dib markii Iskuulka Al-nashaat ay la tartameen kaa oo keensaday 12 Dhibcood.

Iskuulka Al-shacab ayaa isna ka guuleeystay, iskuulka Dharkeenleey waxaana ay ku badiyeen 8 dhibcood ka dib markii ardayda dharkeenleey iyaguna ay heleen 6 dhibcood.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News