U bood dhigaalka

Afar iyo Tobon Sano Ka Dib Weerarkii Diyaaradaha ee Lagu Qaaday Maraykanka

Sheeko:Caalamka

Muddo 14 sano ah ayaa laga joogaa markii weeraro diyaarado loo adeegsaday lagu qaaday dalka Maraykanka, kuwaasi oo lagu diley wax ku dhow 3 kun oo qof.

Labo diyaadood sida gantaalada loosoo hagay oo laga so afduubtey garoomo Maraykanka dhexdiisa ah oo ay ka haadayeen ayaa la galiyey daaraha adduunka ugu dhaadheer ee Mataana loo yaqiiney ee magaalada New York.

2,753 qof ayaa ku dhimatay dhacdadani oo ay ka mid yihiin illaa 300 oo ah shaqaalaha dabdamiska oo iyaga u gurmaday markii uu dhibka dhacay, waxaana la arkayay iyaga oo dhismaha burburaya kusii ordaya , halka dad naftooda la baxsanaya ay kasoo cararayeen.

Maanta waxaa halkii ay daaraha ka burbureen oo loo yaqaano “Meel Cidlo Ah” ayaa waxaa bandhig ku qabanaya kooxoo muusigiistayaal ah halkaasi oo ay laxan murugo leh ka tumi doonaan, waxaana la yeerin doonaa magacyada dadkii dhintey.

Aqalka Pentagon-ka ee looga taliyo waxaa ka dhici doonta xaflad calan-saar ah, halkaasi oo uu ka hadli doono xog-hayaha difaaca Maraykanka Ash Carter ayaa hadal ka jeedin doona.

Halkani diyaaradii ku qaraxday American Airlines Flight 77 waxaa ku dhintey 184 qof, kuwaasi oo loo murugoon doono.

Aqalka Cad madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa daqiiqado u aamusi doona , kadibna waxa uu booqan doonaa xero ciidan oo ku taala Fort Meade ee gobolka Maryland.

Gobolka PENNSYLVANIA boqolaal dad ah ayaa isugu tagi doona meel cidlo ah oo ay diyaaraddii afaraad ku dhacday, kuna dhinteen wax ka badan 40 rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda, halkaasi oo ay ugu murugoon doonaan.

Wixii ka dambeeyey illaa markii la qaaday weeraradaasi oo ay geysatay xarakada Al Qaacidda ayaa Maraykanka waxa uu galay dagaalo aad u badan, kuwaasi oo uu ku qaaday wadamada Afghanistaan, Ciraaq iyo meelo kale, waxaana dagaaladani ku dhintey boqolaal kun oo dad, walina Maraykanka uma aysan suurogalin in ciidamadiisa uu kala soo boxo dalalkaasi gabi ahaanba.

Balse Maraykanka waxa uu sheegey in uu diley ninkii lahaa maskaxda lagu weeraray dhismahani Cumasa Bin Laden, taasi oo waxoogaa keentey dareen ah in Maraykanka uu aarsaday.

Goobjoog News