U bood dhigaalka

Afar Ka Mid Ah Saraakiishii Loo Heystey Weerarkii SYL oo Waxbo Lagu Waayay

Sheeko:Dalka

Afar ka mid ah 11 sargaal oo horey dowladda u xirtey sababo la xiriira tuhun ah in ay wax ka ogaayeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotel SYL 22-kii bishii Janaayo ee 2015 ayaa la siidaayay.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada darajada koowaad Xasan Cali Shuute ayaa sheegey in maxkamadda ay wax dambi ah ku weysey afartani sargaal, xoriyadoodiina dib loo siiyey.

Saraakiisha ayaa kala ah Gaashaanle Dhexe Maxamed Daahir Cabdulle oo ahaa taliyaha saldhigga booliiska Hodan, Labo Xiddigle Mahad Cabdi Cumar, Xasan Daahir Maxamed iyo Waliba Kormeere Seddexaad Axmed-Qadar Maxamed Xasan.

Maxkamadda ayaa horey usii deysey saraakiil kale oo isla falkani loo xirey.

Goobjoog News