U bood dhigaalka

Afar Kursi Oo Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Muqdisho Lagu Doortay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo axad ah magaalada muqdisho lagu qabtay doorashada afar kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobalada Waqooyi.

Kursiga koowaad ee tirsiigu uu yahay HOP#254 ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Jaamac Maxamed Askar iyo Adan Axmed Nur Haybe.

Kursigaan ayaa waxaa ku guuleystay Jaamac Maxamed Askar, oo ahaa xildhibaankii afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga HOP#254.

Kursiga labaad ee doorashadiisa la qabtay saaka ayaa ah kursiga sumaddiisa ay tahay HOP#255, waxaana kuwada tartamay kursigaan musharixiinta kala ah Guuleed Biixi Cabdi, Cabdullahi Biixi Xuseen iyo Axmed Maxamuud Maxmaed.

Guuleed Biixi Cabdi ayaa ku guuleystay kursiga kadib markii uu helay 58 cod oo kamid ah codadkii la dhiibtay, halka musharax Cabdullahi Biixi Xuseen uu helay 21 cod iyo musharaxa seddaxaad Axmed Maxamuud Maxamed uu helay 22 cod.

Kursiga seddaxaad ee doorashadiisa la qabtay saaka ayaa ah kursiga sumaddiisa ay tahay HOP#262, waxaana ku tartamay musharixiinta kala ah Fowziyo Xaaji Adan iyo Caasha Aadan Yuusuf.

Caasho Aadan Yusuf ayaa tartanka isaga hartay waxaana sidaas ergada kursiga ay codka aqlabiyadda ah ku siiyeen Fowziyo Xaaji Adan.

Kursiga afaraad ee kuraasta maanta la doortay u dambeyay ayaa sumaddiisu ay tahay HOP#229, waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala ah Cabdullahi Cusmaan Ducaale iyo Muna Cali Ibraahim.

Cabdullahi Cusmaan Ducaale ayaa ku guuleystay kadib markii ay tartanka isaga hartay musharaxad Muna Cali Ibraahim oo la tartameysay.

Goobjoog News