U bood dhigaalka

Afar Kursi Oo Maanta Lagu Dooranayo Garowe, Yaa U Tartamaya?

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland lagu qabanayaa doorashada afar kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah kuraasta  tirsigoodu uu kala yahay HOP#128, HOP#144, HOP#223 iyo HOP#232.

Kuraastaan ayaa waxaa hadda ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#128 Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyaya xildhibaan  Maxamed Cabdikaafi Maxamed

HOP#144 Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyaya xildhibaan  Faysal Cabdulle Guuleed

HOP#223 Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyaya xildhibaan   Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri)

HOP#232 Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyaya xildhibaan   Cabdirashiid Daahir Gaboobe.

Yaa u tartamaya Kuraastaan?

Kuraastaan ayaa waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah:-

HOP#128:   Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Maxamed Cabdiraxmaan Axmed Xayle iyo Maxamed Faarax Cali.

HOP#144: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah  Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Caasha Axmed Maxamed.

HOP#223: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah  Xirsi Jaamac Gaani iyo Saciid Maxamed Warsame.

HOP#232: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Farwosa Cismaan Cigaal iyo Saciido Faarax Warsame.

Goobjoog News