U bood dhigaalka

Afar Kursi Oo Muqdisho Lagu Doortay, Akhriso Yaaku Soo Baxay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada  Muqdisho lagu doortay afar kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada Waqooyi ee Somaliland, kuwaas oo katirsan kuraasta golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee jamhuuriyadda federalka ah Soomaaliya.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#268 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Maxamed Cali Xagaa, kaas oo helay 98 cod, waxaana tartanka kursiga isaga haray musharrax Axmed Muumin Wehliye .

2 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 267 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan marwo Saynab Maxamed Caamir, waxaana 98 cod ,  kadib markii ay tanaasushay musharrax marwo Sucaado Muumin Meygaag .

3 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 236 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre, oo helay 99 cod oo gacantaag ah, kadib markii uu tartanka isaga tanaasulay musharrax Maxamed Cali .

4 : kursiga tirsigiisu yahayHOP# 269 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan  Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo helay 98 cod, waxaana tartanka tanaasulay musharrax Buuxo Maxamed Ismaaciil .

Afrataan kursi  oo deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa ay ka mid noqonayaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamahuuriyadda federalka Soomaaliya oo la filaayo in doorashadiisa guud ahaan ay soo dhammaato 25 bishaan.

Goobjoog News