U bood dhigaalka

Afar Kursi Oo Saaka Lagu Dooranayo Dhuusamareeb, Yaa U Tartamaya?

Sheeko:Amniga

Waxaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ay ka dhacdo doorashada afar kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta maanta lagu wado in dhuusamareeb ay doorashadooda ka dhacdo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#248, HOP#64, HOP#96 iyo HOP#89.

Kuraastaan ayaa waxa horay ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah:-

HOP#064: Sahra Cumar Maalin ayaa kursigaan Galmudug ku metashay.

HOP#248: Maxamed Axmed Abtidoon ayaa kursigaan ku fadhiya.

HOP#089: Cabdi Shire Jaamac Ciyaar jecel ayaa Galmudug ku metalay Baarlamaankii 10aad JFS.

HOP#096: Cabdicasiis Cilmi Cali ayaa ku fadhiya kursigaan.

Yaa u tartamaya maanta ?

HOP#064: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Maxamed Ibrahim Cali (Maxamed Cajiib) iyo Cabdullahi Iimaan Afrax.

HOP#248: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah  Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon iyo Cabdullahi Xirsi Diirshe.

HOP#089: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah   Yaasiin Cabdi Jaamac, Qaasim Cabdikariin Cilmiseed iyo Baar Maxamed Raage.

HOP#096: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Qaali Axmed Diiriye iyo Xakiimo Xirsi Cali.

Goobjoog News