U bood dhigaalka

Afar Musharrax oo Usoo Gudbay Wareegga 2-aad ee Doorashada Guddoomiyaha Labaad ee Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow lasoo gabagabeeyey doorashada wareegga 1-aad ee guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, waxaana ku tartamayay 7 musharrax.

52 mudane ayaa codeysay, waxaana codadka loo kala helay sidan.

Cododka Sida Loo Kala Helay:

Xil. Hodan Maxamed Cusmaan:8

Xil. Cusmaan Axmed Macow , tanaasul

Xil. Fartuun Cabduqaadir Faarax 12

Xil. Saciido Xasan Cusmaan. 6

Xil. Abdikafi Macallin Xasan. 14

Xil. Mowliid Xuseen Guhad. 10

Xil. Iftiin Xasan Iimaan.1

Wareegga Labaad ayaa waxaa u soo baxay Afar xildhibaan oo kala ah, xil.Hodan Maxamed Cusmaan, Xil. Fartuun Cabduqaadir Faarax, Xil. Saciido Xasan Cusmaan, Xil. Abdikafi Macallin Xasan, Xil. Mowliid Xuseen Guhad, oo noqday xildhibaannada ugu codka badanaa todobada xubnood.

waxyar ka dib waxaa bilaaban doona wareegga 2-aad oo ay ka soo baxayaan Labo xubnood, kadibna waxaa si toos ah loogu kala baxayaa wareegga 3-aad.

Goobjoog News