U bood dhigaalka

Afar Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Gobolka Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dillaacay cudurka shuban Biyoodka, kaasi oo dhimasho sababay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Mahadaay Xaaji Saalax Fulaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in tuulooyin badan oo degmadaasi hoosta uu cudurkaan ka jiro.

Afar qof oo Seddax ka mid ah yihiin Caruur ayuu sheegay in cudurkaan ay u dhinteen sidoo kalena ay la jiifaan dad ka badan 50 ruux.

“Haweeney da ah iyo Seddax caruur ah ayaa ku dhintay tuulooyin hoosyimaada Mahadaay, 50 kalena waa ay la jiifaan cudurkaan, waxayna dadkaan u baahan yihiin gurmad caafimaad ah” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka.

Isbitaalka degmada Mahadaay ayuu sheegay in dawo la’aan yahay, taasina ay xaaladda kasii darsiin karto.

Hay’adaha caafimaadka ee ku sugan gobolka Shabellaha Dhexe, maamulka gobolkaasi iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Xaaji Fulaan ugu baaqay in gurmad caafimaad oo degdeg ah lala soo gaaro dadkaan ku xanuunsanaya deegaanno hoostaga degmada Mahadaay ee Shabellaha Dhexe.

Deegaanno badan oo ku yaalla gobollada dalka waxaa ka jira cudurka shuban biyoodka, waxaana cudurkaan uu kallaaftay nolosha dad badan iyadoo kuwo kalena ay cudurkaasi la il daran yihiin.

Goobjoog News