U bood dhigaalka

Afar Qof Oo Harraad Ugu Geeriyootay Gobolka Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in Afar qof ay harraad ugu geeriyoodeen tuulooyin ka tirsan gobolkasi kadib Biyo la’aan soo wajahday.

Dadkani geeriyooday ayaa kala deganaa toolooyinka kala ah Maandheere, Bacaadley, Deymo Same iyadoo sidoo kale ay jirto biyo la’aan ka jirta dhammaan Tuulooyinka ku teedsan Wabiga Shabelle.

Aweys Xasan Aadan oo ah gudoomiyaha Tuulada Maandheere ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in tuuladaasi aanay biyo yaallin, islamarkaana Wabiga ay biyahii ka gureen.

Waxa uu tilmaamay in Shan maalin dadka ku dhaqan deegaannadaasi ay biyo la’aan yihiin lagana baqayo in halkaasi cudurro ay ka dillaaceen.

Surane Axmed Shabeello oo isaguna ah gudoomiyaha Tuulada Deymo Same ee Shabellaha Dhexe ayaa u sheegay Goobjoog News in biyo la’aanta ka jirta halkaasi ay u dhinteen Labo qof.

Dadka ayuu sheegay in aysan hadda haysan Biyo, islamarkaana ay ka baqayaan in dhibaatada ay intaasi kasii badato.

Wabiga Shabelle ayaa biyo yareeyay, deegaanno badanna waxaa la sheegayaa in hadda aanay ka jirin wax la cabo, waxayna tani saameyn ku yeelatay dadka iyo duunya ku dhaqan dhammaan deegaannada uu Wabiga maro.

Goobjoog News