U bood dhigaalka

Afar Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Ka Dhacay Degmada Caabudwaaq, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan Afar qof ayaa geeriyootay Labo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii dagaallo u abaabulan qaab qabiil ay ka dhaceen xaafado ka mid ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud iyo duleedka degmadaasi.

Dadka dhintay qaarkood ayaa la sheegay inay ahaayeen isku ehel kadib markii rag hubeysan ay dadkani rasaas ku fureen.

Dilala la xiriira aano qabiil ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay isla degmada Caabudwaaq, iyadoo duleedka degmadaasina maleeshiyad qaab qabiil u abaabulay uu iska horimaad ku dhex maray.

Odayaasha dhaqanka uu ku sugan degmadaasi ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan in xaaladda ay ku qaboojiyaan.

Maamulka degmada Caabudwaaq ee Galmudug weli kama aanay hadal arrintaasi, waxaana lasoo sheegayaa xiisad ka jirta degmada Caabudwaaq.

Goobjoog News