Afar Qof Oo Ku Geeriyootay Shil Gaari Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in shil gaari soo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Labo ka mid ah gaadiidka Booyadaha ee biyaha ka dhaamiya xaafadaha Hargeysa ayaa la sheegay inay isku dhaceen, waxaana halkaasi ku dhintay Afar qof oo gaadiidka isku dhacay saarnaa.

Sidoo kale waxaa jira dhaawac soo gaaray dad kale oo saarnaa gaadiidkaan kuwaasi oo loola soo cararay Isbitaalka Hargeysa.

Shilalka Booyadaha ayaa maalmahan dambe kusoo badanaya magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Dhwor shil oo sidaan oo kale ah, kana dhacay Hargeysa waxay sababeen khasaare kala duwan.

Goobjoog News

Related Articles

32 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW