U bood dhigaalka

Afar Qof Oo Maanta Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay illaa iyo Afar qof iyadoo sidoo kale la dhaawacay Labo kale.

Dabley hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Laba qof ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kadib markii gaari ay wateen oo ay ku horjareen gaari kale oo ay saarnaayeen dadka la dilay.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey geerida dadkaasi, isaga oo sheegay inay wadaan baaritaanno.

Sidoo kale dabley hubeysan oo watay gaari Kaarib ah ayaa isku hor jaray gaari kale oo SURF ah, islamarkaana rasaas ay ku fureen gaariga kale waxay ku dileen Hal qof, iyadoo Labo ruux kalena halkaasi ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa rasaas ay fureen gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Hal qof, iyadoo weli aan la ogeyn sababta ciidankan ay rasaasta u fureen.

Qaar ka mid ah dadka maanta siyaabaha kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka, welina war buuxa oo arrinkaan la xiriira kama aanu soo bixin hay’adaha amniga ku shaqada leh.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan dambe kusoo badanaya falalka amni darada ah, xilli arbacadii lasoo dhaafay magaalada lagu dilay shaqaale Turki iyo Soomaali isugu jiray.

Goobjoog News