U bood dhigaalka

Afayeenka Maamulka Lixda Gobol oo Sheegey In Aysan Aqbali Doonin Doorashada Shirka Sedexda Gobol ee Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Madoobe NuunoowFaws Cabdi Nuur oo ah afayeenka maamulka Lixda Gobo lee Koonfur Galbeed ayaa Radio Goobjoog u sheegey in shirka ka socda Baydhabo ee Sedexda Gobol uusan waxbo ka quseynin, islamarkaasina ay wataan hawlahoodii caadiga ahaa ee maamulka.

Wuxuu sheegey in shacabka ay si nabadgalyo ah u banaanbaxayaan iyaga oo muujinaya rabitaankooda.

Wuxuu afayeenka ka hadlay wadahadalo u socdey labada dhinac oo aanan natiijo laga gaarin, islamarkaasina la’isku afgartay qodobo, balse nasiib daro uu ku tilmaamay in doorasho la abaabuley iyada oo aanan heshiis la gaarin.

Wuxuu soo dhaweeyey hadalkii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ee uu ku diidey doorashada sedexda gobol, kuna sheegey in uusan aqbali doonin natiijada kasoo baxda shirka.

Afayeenka waxa uu beeniyey warar sheegayay in odayaashii dhisey maamulka Lixda Gobol ay yihiin kuwa hadda dhisaya kan Sedexda Gobol, balse waxa uu sheegey in ay jiraan tiro yar oo odayaashaa ka mid ah oo sida uu sheegey u xishey dhaqaale, sida uu hadalka u dhigey.

Su’aal ku saabsanayn in wasiiro ka tirsan maamulkiisa, xubno golaha deegaanka iyo waliba madaxweyne ku xigeenkii maamulka Maxamuud Sayid Aadan ay isaga tageen maamulka ayuu arrintaasi beeniyey in ay jirto, wuxuuna sheegey in Maxamuud Sayid Aadan uu ku maqanyahay hawl maamulka ah, isaga oo uu sheegey in uu calanka maamulka ka taagay Gedo.

DHAGAYSO

Goobjoog News