Afeey Oo Loo Magacaabay Wakiilka QM u Qaabilsan Soomaalida Qaxootiga Ku Ah Kenya

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdi Afey loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxooti ee dalka Kenya.

Filippo Grandi oo ah Madaxa Hay’adda UNCHR  ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Afeey uu noqonayo wakiilka gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya markii ugu horreysay.

Ulajeedka loo magacaabay Afey ayaa ah ka warbixinta xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab, ka warqabka amnigooda iyo si nabad ah ugu celinta dalkooda hooyo.

Maxamed Cabdi Afeey, hadda waa wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, waxaana uu wax badan kasoo shaqeeyay arrimaha Soomaaliya.

Hay’adda UNHCR iyo dowladda Kenya ayaa horay loogu eedeeyay iney si aan sharci ahayn dib ugu celinayaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Xeryaha Dhadhaab.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW