U bood dhigaalka

Afgooye: Dhallinyarada Ka Shaqeysta Mooto Bajaajta Oo Cabasho Ka Ah Ciidanka Dowladda

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada ku shaqeysta Mootooyinka Bajaajta ayaa walaac ka muujiyey dhibaatooyin ay sheegeen iney ku qabaan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Afgooye, kadib markii ay sheegeen in loo diidey iney meelaha qaar ka shaqeeyaan.

Qaar kamid ah dhallinyaradan oo u waramay Goobjoog News, waxay sheegeen in Labada Buundo ee degmada Afgooye laga soo celiyo markii ay tagaan, islamarkaana aaney ogeyn waxa halkaasi looga soo celiyo.

Maxamed, waxa uu kamid yahay dhallinyarada la hadashay Goobjoog News, waxa uu sheegay in illaa hadda aanay garaneyn waxay ciidankaan ka rabaan Mootooleyda, isaga oo ku baaqay in arrintan degdeg loo soo farogeliyo.

“Annaga wax nala weydiinayo maleh, markii aan tagno Labada Buundaba qori baa nalagu soo taagayaa, dib u laabta baa nalaleeyahay, ma naqaan waxaan sameynnay, waxaan annaga u carareyno waa raadinta bariiska Ilmaheenna, mootooyinka waa nagu kiro oo lacag baa nalaga doonayaa, mana aragno cid wax ka qabaneysa cabashadeenna” ayuu yiri Maxamed.

Dhanka kale, Goobjoog News ayaa xiriir ay la sameysay maamulka degmada Afgooye u suuragelin si aynu wax uga weydiinno cabashada ay qabaan darwaladda kaxeeya Mootooyinka Bajaajta.

Goobjoog News