U bood dhigaalka

Afhayeen Cali Seeko “Shacabka degan Muqdisho waxaan ka codsaneynaa in ay ceebta naga dhaqaan oo aysan dhicin qof dad dhibaateeya misane baxsada” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxa ay ka dalbadeen in ay kala shaqeeyaan amaanka guud ee gobalka, iyo sidoo kale in la qabto cid walba oo dhibaato geysta.

Cali Seeko oo ah afhayeenka maamulka gobalka Banaadir ayaa isaga oo u waramayay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in ay aad uga xunyihiin mararka qaar dadka dilalka geysta ee hadana baxsada waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shacabka degan Muqdisho waxaan ka codsaneynaa in ay ceebta naga dhaqaan oo aysan dhicin qof dad dhibaateeya misane baxsada hadana ku hoyda guriga muwaadin ama muwaadinad Soomaaliyeed, waxaan ka xunnahay mid midka baxsada mararka ay wax dilaan nabad diidka, balse badi ma wada baxsadaan, midka fakaday ayaan rabnaa sidii ay shacabka noogala shaqeyn lahaayeen in ay soo qabtaan” ayuu yiri Cali Seeko

Afhayeenka ayaa dhanka kale sheegay in hay’adaha amniga ay xilli walba wadaan howlgal ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan cid walba oo dhibaato ka sameysa magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in shacabka iyo ciidamada wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhaxayso.

Hadalka afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Cali Seeko ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho maalmahaan dambe ay kusoo bateen, dilalka qorsheesan iyo sidoo kale qaraxyada.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News