U bood dhigaalka

Afhayeen Maxamed Yuusuf “Waxaa Muhiim Ah In Aad Taqaano Gurigaaga Iyo Hantidaada Cidda Aad Ka Kireynayso” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Mamxamed YuusufWasaaradda Amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u hogaansamaan qorshaha loo sameeyay ee ah inay ku dhaqmaan marka Guri ama hanti kale ay qof ka kireynayaan.

Afhayeenka wasaaradaasi Maxamed Yuusuf oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in badi shacabka Soomaaliyeed ay qaateen qorshahaasi oo ay ku dhaqmeen, ayna muhiim tahay in la yaqaano qof walba oo hantidaada ka kireynayo.

“Shacabka runtii aad bay arintaasi u qaateen, waxaan u leenahay waxay tahay waa amnigooda in la sugo, shacabka amnigiisa waa door weyn oo dowladda saaran, sida madaxeynaha Jamhuuriyadda sheegay waxaa muhiim ah in aad taqaano gurigaaga iyo hantidaada qofka aad ka kireynayso maxaa yeelay waa mas’uuliyad ku saaran hantidaada si aad u bad baadiso shacabkana uga bad baadiso, marka aad rabto inaad guri kirayso waa inaad la xiriirto taliska booliiska kuugu dhaw, xaruntii degmada oo gudoomiyaha iyo maamulkii degmada dhan ay fadhiyaan oo diyaar u ah inay kuu adeegaan, sidoo kale waxaa diyaar kuu ah taliska nabad sugidda degmada aad joogtid oo diyaar u ah inuu kuu adeego, dhamaan adeegyadaasi muwaadiniinta si lacag la aan ah ugu sameynayna in ay ka doortaan sharcigaasi inay jabiyaan oo berri ah midka kaliya ee hantidooda difaaci kara waa midka kaliya ee aan ka dignay, shacabkana aysan taasi sameyn” ayuu yiri Maxamed Yuusuf

Ugu dambeyn Afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay shacabka aan weli ku dhaqmin arintaasi in hadda ka dib ay sameeyaan si nabadda looga wada shaqeeyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.