U bood dhigaalka

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya oo Caawa Ka Badbaaday Qarax

Sheeko:Amniga

Qarax xooga oo dhordhow ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa laga helayaa faahfaahin dheeraad ah, qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya  Dhamme Sidiiq Aadan Cali.

Afhayeenka ayaa waxaa lasoo jeegayaa inuu ka badbaaday qaraxa oo qabsaday gaarigiisa xili uu maray 21 Octobar degmada Waabari ee gobolka Baanadir, waxaana jira waxyeello soo gaartay gaarigii uu watay afhayeenka Booliiska.

Sidooka kale qaraxa ayaa waxaa la jweegaayaa in waxyeello ay kasoo gaartay dad shacab ah, waxaana ilaa iyo hadda la warinayaa inuu dhaawac soo gaaray qof rayid ah, kaas oo la sheegay inuu Haween la kulantay halka uu ka dhacay.

Goobjoog News