U bood dhigaalka

Afhayeenka Booliska : Taliyuhu Wuu Nabad Qabaa, Waloow Uu Jiro Qasaaro Qaraxu Reebay

Sheeko:Amniga

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Doodisho ayaa war ka soo saaray qarax goordhaw magaalada Muqdisho lagula eegtay kolanyo uuu la socday taliyaha booliiska gobalka Banaadir Farxaan Qaroole.

:Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud.” Ayuu yiri Afhayeenka

Doodisho ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku daray in taliyaha gobalka uu nabad qabo qaraxana uu ka badbaaday.

“Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo.” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Doodisho.

Goobjoog News