U bood dhigaalka

Afhayeenka Wasaaradda Amniga: 11 Qof Oo Wasiir Iyo Dhakhaatiir Ku Jiraan Ayaa Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Afhayeenka wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhinteen qaraxii maanta ka dhacay Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in dadka dhintay ay ku jireen wasiir hore, labo dakhtar iyo ganacsato goobta ku ganacsanaysay, 25 baabuur ayuu sheegay in ay ku burbureen iyo hanti kale.

Cabdi Kaamil Shukri waxaa uu saxaafadda u sheegay in mas’uuliyiin badan laga badbaadiyay qaraxa galabta dhacay halkaasi oo aaney waxbo gaarin.

Afahayeenka oo ka hadlay dadkii weerarka geystay waxaa uu sheegay in ay ahaayeen ilaa 3 qof, dhamaantoodna isla goobta lagu dilay.

Dadka goobta ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa sadex shaqaale oo ka tirsan Idaacadda Goobjoog

Shaqaalaha Goobjoog ee qaraxa ku dhintay waxaa ay kala ahaayeen: Gaani Axmed Cabdulle, Maxamed Nuur Daahir iyo Sahal Ibraahim Faarax.

Shaqaalahan ka geeriyooday warbaahinta Goobjoog ayaa ahaa ilaalo la socotay gaari ay laheyd idaacadda, gaariga ayaa sidoo kale qaraxa ku waxyeeloobay.

Qaraxan oo galabta ka dhacay Hotel Naasahablood ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen in ka badan 10 qof halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 30 kale.

Maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog waxaa ay tacsi u dirayaan qaraabaddii iyo ehelladii ay ka baxeen shaqaalaha iyo dhamaan shacabkii goobta ku waxyeeloobay.

Goobjoog News