U bood dhigaalka

Afisyooni: Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare Ee Somaliland Oo Saaka Bilaabmaysa

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabmaya dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

Guddiga doorashooyinka Aqalka sare ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Talaado ah shaaciyay in ay dhageysanayaan Ergooyinka khudbadaha Musharixiinta.

“Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharnimo” ayaa lagu yiri war qoraal oo ay baahisay warbaahinta dawladda.

Dhageysiga khudbadaha ayaa ka dhaceysa Teendha ku taalla xerada tababarka ciidamada Cirka ee Afisyooni.

Goobjoog News