U bood dhigaalka

Afisyooni: Shirki Oo La Soo Xirayo Iyo Madax Lagu Casuumay

Sheeko:Amniga
  • Waxaa saaka magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeynaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo muddo todobaad ah madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uga socday Afisyooni.

Shirka oo maanta la soo afmeerayo ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan madaxweynayaashi hore ee dalka sida Sheikh Shariif, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Farmaajo.

Kulanka xiritaanka shirka ayaa maanta waxaa sidoo kale ka soo qeyb galaya xubnaha beesha caalamka, Midawga musharixiinta iyo  Bulshada rayidka .

Madaxda ayaana dhamaan lagu wadaa in ay khudbado ka jeeydiyaan shirka halkaas oo lagu wada casuumay.

Madaxda todobaadka shireysay ayaa sidoo kale waxa ay soo saarayaan War-murtiyeed ku saabsan wixii ay ku heshiiyeen oo ay qeyb ka tahay cadeynta Jadwalka doorashada Baarlamaanka JFS iyo tan madaxweynaha.

Goobjoog News