U bood dhigaalka

AFRICOM : Khatarta Amni ee Hadda Jirta Ma Ahan Shabaab ee Waa Mudda Kordhinta

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa  gudddiga senete-ka ee arrimaha amniga warbixin ka siiyay xaaladda Amni ee Soomaaliya ayaa shegay in Soomaaliya ay ka taagan tahay xaalad Hubanti la’aan amni oo ka qatar  ururka Al-shabaab.

Taliyaha Africom Stephen Townsend oo Guddiga Senate-ka Arrimaha Ammaanka la hadlay ayaa sheegay indhibaatooyinka iyo Isfaham waaga ka dhex jira madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ay tahay khatarta ugu daran ee hadda Jirta.

“Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan ma aha Al-Shabaab, ee waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada.

“Muddo krorosiga ka baxsan mudda xileedka  dastuuriga ah ee  xilka madaxweynaha — ayaa ah caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yiri Jeneraal Townsend.

12-kii bishaan Golaha Shacabka ayaa Laba sano ugu daray Farmaajo taas oo ay ka dhalatay diidmooyin fara badan

Mr Townsend oo mudanayaasha guddiga ay Su’aallo kale ka weydiiyeen xaaladda Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankii Madaxweeynihii hore ee Mareykanka Trump ciidamada uga saaray Soomaaliya ay ka dhex abuurtay qal qal iyo in ay Al-shabaab ka faa’ideystaan .

“Lama dafiri karo in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurtay jahwareer iyo khatar hor leh,” ayuu yiri Townsend .

Stephen Townsend ayaa sheegay in  magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidama yar oo Mareykanka , kuwaasne ay la shaqeeyan Safaaradda.

“Waxaan inta badan saaxiibbadeen kala shaqeynaan saldhigyada aan gobolka ku leennahay. Kaddibna waan safarnaa si aan u sameyno tababarro, iyo si aan ula talinno una caawinno saaxiibbadeen. Ilaa afar howlgallo noocaas oo kale ah ayaan sameynay 90-kii maalmood ee la soo dhaafay. Mid ka mid ah hadda wuu socdaa.” ayuu yiri Townsend.

Taliska AFRICOM ayaa intii uu ku sugnaa Soomaaliya waxa uu Tababaro siiyay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya , iyadoo sidoo kale AFRCIOM ay aas aastey Ciidamada Kumaandoosta DANAB, kuwaas oo hadda gaaraya 3,000 Askari .
Mareykanka ayaa sido kale intii uu ku sugnaa Soomaaliya waxa uu sameeyay howl-galo iyo duqeymo dhanka cirka ah oo lagu dilay Saraakiil Badan oo ka Tirsan Al-shabaab .