U bood dhigaalka

AFRICOM oo duqayn ku dishay xubna ka tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa oo loo yaqaano AFRCIOM, ayaa sheegay in ay duqaymo ay ka fuliyeen Soomaaliya, ku dileen qaar kamid ah xubna ka tirsan ururka Al-shabaab.

Maraykanka ayaa sheegay in duqayntaan oo laga fuliyay meel 285 km u jirta magaalada Muqdisho, waxaana duqaynta ay timid kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay codsatay.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan AS oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay talista AFRICOM

AFRCIOM ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliyeed ee dhinaca amniga ah si wax looga qabto amniga.

“Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan AS” ayaa lagu sii yiri