U bood dhigaalka

Africom oo Sheegtay in Ay Dishay Labo Ka Tirsan Al-Shabaab

Sheeko:Amniga

Taliska  ciidamada dalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in hoowlgal  ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose  lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, iyadoo goboka ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidama Kumaandooska Soomaaliya oo ay taageerayaan talis Africom.

Taliska oo qoraal kooban soo dhigay bartooda Twitter-ka ayaa xusay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen diyaarada Mareykanka deegaanka Kuunyo Barrow in lagu dilay ilaa labo dagaalamae oo ka tirsan Al-shabaab, taliska ayaa intaas ku daray in howlgalkaas dad  shabab ah aysan wax ku noqon sida lagu sheegay qooraalka.

Taliska ciidamada Mareyanka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyey howlgalldaha dhanka cirka ah uu ka fuliyaan Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay  dhowaan ay sheegtay inuu bilowfday howlgal lagu doonayo in lagu gaaro degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe oo ay gacanta ku hayaan Al-shabab oo muddooyinkii ku sugnaa.

Goobjoog News