AFRICOM: Waxaan Al-shabaab Ka Dilnay 52 Qof

Taliska Mareykanka ee Africa(AFRICOM) oo qoraal ka soo saaray duqeyn ay sheegeen inay sabtidii ka fuliyeen gobolka Jubadda dhexe, meel u dhow Jilib ayey ku shaaciyeen in Al-shabaab ay halkaasi uga dileen ilaa 52 qof.

Mareykanka waxaa ay intaasi ku dareen in duqeyntan ay jawaab u aheyd weerar ay Al-shabaab ku qaadeen fariisinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay halkaasi ku lahaayeen.

AFRICOM waxaa ay leedahay ujeedkeenna waa ka hortagga in Al-shabaab aaney helin gabbaad iyo inay caqabad ku noqdaan howlaha banii’aadnimada.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW