Afrika Ayaa Ku Heshiisay Suuq Ganacsi oo Xor Ah, Soomaaliya Heshiiskaas Sidee Buu U Saameynayaa?

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa dalka Rwanda ee caasimadiisa Kigali taariikhdu marka ey aheyd 21 da bisha maarso 2018 waxey qalinka ku duugeen Heshiis taariikhi u ah qaarada Afrika, Madaxda Afrika oo ku mideysan daladda “African Union” Hiigsigeeda 2063, ayaa sanadkii 2012 ka ku heshiiyay in la aas aaso suuq xor ah oo ey dalalka afrika badeecooyinka ey soo saaraan lagu iib geeyo Kulankaas oo ka dhacay xarrunta “African Union “ ka ee Addis Ababa Waxaana Gorgortanka wada hadaladaasi soo bilowdeen sandkii 2015 iyadoo ugu dambeyn qalinka lagu duugay.

Heshiiskan ey ku mideysan yihiin dalalka Afrika ayaa sida la ogyahay wuxuu yahay suuq ey dalal tiradoodu 55 dal ee afrika ku mideysan yihiin taas oo kadhigeysa midowgan kii abid ugu balaadhnaa ee dalal intaas la eg ku midoobaan kadib aas aaskii (WTO) World Trade Organization oo la aas aasay 1da janaayo 1995 , Suuqan ayaa wuxuu mideyn doonaa shacab ka afrika oo ey tiradoodu dhantahay 1.2 Billion (GDP) goodana yahay 2 Trillion dollars , heshiiskan ayaa faraya in 90% badeecooyinka si xor ah iskugu gooshaan dalalka afrikan ka ah 10% dhimana dal waliba u soo gudbiyo badeecada xasaasiga u ah oo aysan rabin in bilaash dalkooda lagu soo geliyo.

Heshiiskan yaa wada yuusa guul uyahay?

Heshiiskaan ayaa wuxuu guul uyahay inta u ololeyn jirtay Pan-African-ism ka sida Dr.Kwame Nkrumah, Ahmed Sekou Toure ,Gen Maxamed Siyaad Barre riyadaas oo uu aas aasay Dr Kwame Nkrumah 1957 maarso markii ey Ghana xorowday Dr Kwame Nkrumeh oo loo doortay madaxweynaha Ghana ayaa isla markiiba iskugu yeeray kulan kii koobaad ee Pan-africanism waxaana ka qayb galay dalalkii xorta ahaa waqtigaas,sida ( Ethiopia , Sudan ,Egypt, Libya, Tunisia, Morocco, Liberia, Ghana,),  Shirkan ayaa kadhacay Accra caasimada Dalka Ghana 15-22 April 1958 Halkaas ayaana lagu aas aasay waxa manta loo yaqaan African union oo waqtigaas la oran jiray “Pan-africanisim in Africa” Waxaana lagu heshiiyay labadii sanaba in kulan dhaco kulankii labaad oo kadhacay Addis Ababa 1960 inaga oo soo xorownay Ayaan ka soo qayb galnay waxii intaa ka dambeeyay waxaynu ka ahayn fikirka Pan-Africanism-ka horumuud.

Africa waa hooyo ilmo badan, sida caadada u ah hooyada waxey abaal marisaa kan fariidka ah kan marka uu qaan gaaro iyada un waxtara, waa hooyo aaminsan waxa loo yaqaan “Equality” Sinnaan inaguna maadaama ay dhibaatooyin badan ina qabsadeen waxeynu ubaahanahay “Equity” Caddaalad.

Muxuu u muuqdaa

heshiiska iima muuqda faaiida maanta uu leeyahay carqaladaha dalka yaga ku dhacay owgood ,sababtoo ah waxaynu nahay dal aanan laheyn wax soo saar ganacsatadiisu baratay kali ah sida shacbiga Soomaaliyeed looga iibiyo badeecooyin dalal kale laga keenay, dal shuruuc adag dhanka imports and exports ka udagsaneyn, taas ayaa keeni karta marka in waqtiga dhow heshiiskan uu u hiiliyo wadamada Africa qaasatan kuwa dariska yaga ah ee horumarsan wershadana leh shuruucna u dagsantahay in ay aad noogu soo galiyaan badeecooyinkooda inagana aynaan waxba ka qaban Karin bacdamaa aan heshiiska sixiixnay una u baahanyahay kali ah in shuruucda dalka la waafajiyo baarlamaanka yagana ansixiyo si uu udhaqan galo, hada waxaa laga ansixiyay baarlamaanada dalalka Ghana,Rwanda iyo Kenya.

Heshiiskan wuxuu wiiqayaa waqtiga dhow (Tax Revenue) dakhliga canshuuraha dowlada soo gala oo inta badan naga soo gala waxa loo yaqaano (Tariffs) canshuuraha la saaro badeecooyinka, iyo mida labaad ee ah ganacsatada yadii taqaanay kali ah in dalalka sida China, India, Pakistan Iwm in ay kakeenaan badeecooyin kuwaas oo laga yaabo in qaarada Afrika lagu sameeyo kulana tartami waayaan suuqyada ganacsato afrikan ah maadaama iyaga canshuurba la saari doonin.

Heshiiskan waxa aanan sixiixin labada dal ee Africa ugu dhaqaalaha fiican midkoodna yahay dalka afrika ugu dadka badan waa south Africa iyo Nigeria , Nigeria ayaa qabta cabsi ah dal aanan shuruuc adag laheyn in intii dalal ka baxsan afrika qiima jaban badeecooyin kukeenaan kadib iyada oo la tixraacayo heshiiskan in dalkooda iyo dadkooda lagu soo daabulo, waxayna sheegeen kali ah in ey galayaan heshiiskan marka aanan ujeedka saxda ah ee heshiiskan la jabin kaas oo ah in badeecooyin afrika lagu sameeyay kali ah xor utahay dalkooda iyo dadkooda tirada badan.

Waa maxay xalka?

Xalku waa cadyahay innaga ganacsi nala bari mayo,  ka sokoow in aynu Africa gumeystihii ka xoreynay waagaan sharafta laheyn , intaan burbur saneyn waxaan u xoreynay suuqyada sida Kenya oo aan uga xoreynay Hindida, dalalka aan dhanka ganacsiga u xoreynay halkaan laguma soo koobi karo, waxaan ubaahanahay wadatashi kudhisan iskutashi suuq, waxaan ubaahanahay dowlada in ay shuruuc iyo siyaasado taageeraayo wax soo saarka la timaado, waxaynu u baahanahay in aan laba nooc ee ganacsiga culayska saarno 10ka sano ee soo socota midi waa wax soo saar oo shaqo abuuri doonta, mida kalena waa ganacsiga noociisa dunida hada qabsaday ee (Service)  adeegga kaas oo ubaahan (innovation) curin waxaan kula dardaarmayaa aqoonyahanada dhalinyarada ah in maskaxda ay ka shaqeysiiyaan si aynu usurano madaxa taajka ah in aynu nahay dadka ugu fiican dhanka ganacsiga Africa.

W/Q Khadar Dheen Gulled

Uqeybsanaha Ganacsiga iyo Wershadaha Somalia u fadhiya dalka Pakistan.

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo fakirkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com