U bood dhigaalka

Afrika Oo Ku Heshiisay La-dagaalka Musuqa iyo Argigixisada

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Adis-ababa lagu soo gabagabeeyay shirmadaxeedkii 30-ee ee hogaamiyayaasha qaaradda Afrka, waxaana lagu heshiiyay dhammaan go’aannada mashruucyada marka laga reebo in lasameeyo suuq ganacsi oo xor ah.

Bisha Maarso ayaa waxaa lagu qaban doonaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda shirmadaxeed gaar ah oo looga hadli doono arrinta sameynta ganacsi xor ah.

Shirmadaxeedka ayaa soo dhamaaday ka dib markii laga dooday lagana wada hadlay qaar ka mida mashruuyada la xiriira in loo qoondeeyo midowgga Africa miisaaniyad  madax-banaan iyo in la siiyo koror ku aadan dhanka awoodaha.

Mashaariicda iyo dardaaranada laga soo saaray shirka waxaa ugu cad cad la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo argigixisada, mideynta go’aannada midowgga Africa siyaasadda iyo ganacsiga, ka xoroobidda adoonsinimada, hagaajinta qalabeynta midowgga Africa si uu uga jawaabo codsiyada dadka Africanka ah.

Gaba-gabada shirka laguma soo qaadan eedeyntii Donlad Trump uu u jeediay Africa taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay Africa bullaacad qashin ah.

Goobjoog News