U bood dhigaalka

Afrin Oo Ay Ka Socdaan Dibad-baxyo Looga Soo Horjeeda Turkiga

Sheeko:Dalka

Kumanaan qof ayaa isku soo baxay wadooyinka magaalada Afrin,ee waqooyiga Siiriya kuwaasi oo looga soo horjeeda ololaha millatri ay ciidamada Turkiga ay ku qaadeen magaaladani.

Mas’uuliyiinta magaalada Afrin ayaa ugu baaqay  dowladaha caalamka in la joojiyo howl-galkani millatari, waxa ay intaasi ku dareen in Ruushka uu qaadayo mas’uuliyadda wixii dhaco.

Ruushka, ayaa faro-gelin ku bilaabay Siiriya sanadkii 2015, waxa uuna ku faafiyey magaalada Afrin ciidamadiisa balse dib ayuu uga saaray markii ciidamada Turkigay ay bilaabeen howlgalka millatari ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Waxaa la rumeysanyahay in Ruushka uu garab ku siinayo ciidamada Turkiga dagaalka looga soo horjeedo kooxaha Kurdiyiinta, kaasi oo bilowday muddo laga joogo labo todobaad.

Kooxaha hubyesan ee Kurdiyiinta ayaa ugu baaqay Mareykanka, Midowgga yurub,golaha ammaanka ee raacsan qaramada midoobay iyo sibaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka in si degdeg ah loo joojiyo xad-gudubyada Turkiga.

Dhankiisa Turkiga ayaa qaaday olole millatari waxa uuna ku sheegay inuu ilaalsanayo xaduudihiisa koofureed.