U bood dhigaalka

Agaasimaha Goobjoog News Oo Ka Warbixiyay waxqabadka Sanadkii Tagay Ee Idaacadda

Sheeko:Dalka

Agaasimaha Goobjoog News Xasan Maxamed Maxamuud oo furay munaasabadda loogu dabaal degayo Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay aas aaska Goobjoog News waxa uu ka hadlay wax qabadka Idaacadda Sanadkii tagay.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in sanadkii 2014 ilaa 2015 ay idaacadda qabatay waxyaabo aad u badan, waxaana uu ka hadlay hanaanka loo maray wax qabadkaasi.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay fursado badan siiyeen, idaacaddana ay ka qeyb qaadatay Nabadda, horumarinta dalka, dib u heshiisiinta iyo arimo kale oo aad u muhiim ah.

“Goobjoog waxa ay xooga saartay sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen meel ay aragtidooda ku gudbiyaan, waxaana sameynay barnaamiyo kala duwa oo mid walba quseeya meelo gaar ah”

Sidoo kale agaasime Xasan ayaa ku cel celiyay in Goobjoog News ay xilli walba u taagan tahay sidii shacabka Soomaaliyeed uga haqabtiri lahayd wararka iyo barnaamijyada.

Mar uu ka hadlay waxyaabaha ugu muhiimsan ee hadda la taaban karo islamarkaana Idaacadda qabatay sanadkii tagay ayuu sheegay in ay ka mid yihiin Gurmad iyo Gargaar, abaar ka taagneed Bakool oo caalamka iyo dowladda lagu jeediyay, xalinta dagaallo ka dhacay Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News ayaa maanta u dabaal degaysa Sanad guuradii Sedaxaad marka ay hawada kusoo biirtay, waxaana ka qeybgalaya munaasabadaan mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha