U bood dhigaalka

Agaasimaha Goobjoog oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac

Sheeko:Amniga

Xasan Maxamuud Maxamed, agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group ayaa tacsi u diray  Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Tubta Nabadda kaas oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Aagaasimaha Goobjoog  Xasan Maxamuud oo ka hadlayey geerida waxaa uu yiri “Rabiyow u naxariiso, Cabdullahi Maxamed Shirwac, innaga samir inaga sii, waxaad naga dhex saartay qof qof qaali ku ahaa agteena, allow agtaada ku sharaf, waxaan kaa baryaa inaad ku casuunto janada waasica ah, ummada Soomaaliyeed waxaa ka baxay tiir dhexaad”.

Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa waxaa uu ka tirsanaa weriyeyaasha Goobjoog TV, isaga oo sanado badan soo jeedinayey barnaamijka OGAAL.

Guud ahaan bahda Goobjoog Media Group ayaa tacsi u direysa qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac .

Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ahaa guddoomiyaha tubta nabadda, waxaa uu horay usoo noqday guddoomiyaha dallada ururada aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Somalia (SOCENSA), isaga oo ka tirsanaa hoggaanka bulshada rayidka ah muddo 30 sano.

Aaska ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha bulshada rayidka ah.

Goobjoog News