U bood dhigaalka

Agaasimaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo kulan la qaatay Wasiirada wasaaradaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlada Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Sheeko:Dalka

Madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ugu horeeyo Gudoomiyaha hayadda Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa kulan la qaatay Wasiirada wasaaradaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlada Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa waxaa looga hadlay ajandaha shirka Madasha Arimaha Bini’aaddanimada ee maalinta barri ah ka furmi doono magaalada Mogadishu.